Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Maxkamad xukun ku riday Nin kufsi iyo afduub u geystay Gabar 6-sanno...

Maxkamad xukun ku riday Nin kufsi iyo afduub u geystay Gabar 6-sanno jir ah

28

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta xukun ku riday Eedeysane loo heyso inuu Kufsi iyo afduub degaan ka tirsan Galagduud ugu geystay Gabar yar oo kamid ah dadka deegaanka.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Dhoore ayaa qirtay inuu 19-kii bishaan Ogoosto 2021 fal isugu jiray kufsi iyo afduub deegaanka Godinlabe ugu geystay Farxaiyo Cali Maxamed oo ah gabar 6-sanno jir.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Galmudug Cabdixakiin Maxamed Xirsi ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay caddeeyo muujinaya kufsiga uu geystay Maxamed oo ay kamid yihiin sida uu falka u dhacay iyo dhaawaca gaaray gabadha.

Axmed Salaad kullane Garsooraha Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore lagu xukumay 5-sanno oo xabsi ah iyo bixinta laba halaad oo Geel ah.

Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horey uga dhacay falal isugu jiray kufsi iyo dilal loo geystay gabdho da’yar ah, waxaana xusid mudan in rag falalkaas geystay xukuno kala duwan lagu riday.