Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday Askari dilay laba ruux

141

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsan Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Boondhere, kaas oo 24-Kii Bishii Apriil xilli habeen ah Magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah.

Askariga oo lagu Magacaabo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa waxaa 1-dii Bishii Ramadaan uu agagaarka Isgoyska Jubba, iyada oo uu Magaalada Bandow la xiriira ka hortagga COVID-19 ka jiro uu ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi

Heerar kala duwan oo ay soo martay dhageysiga dacwadan ayaa ugu dambeyn maanta oo Khamiis ah waxa ay gaartay maxkamadda xukunka.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay marqaatiyaal & cadeymo la horkeenay maxkamadda kadib inay ku cadaatay dilka uu gaystay Askarigaan, waxaana maxkamadda ay ku xukuntay dil toogasho ah.