Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

27

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in lagu helay  la shaqeynta Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ninka la sheegay in lagu helay la shaqeynta ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xasan Cali Gaas, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay ku eedeysay in uu la Shaqeynayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Tuulada Ceelgaras.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qeybta 60-aad oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Xasan Cali Gaas  lagu qabtay, isaga oo waday 218 Xabo oo rasaasta Qoray AK47  ah oo uu u wadayTuulada Ceel-garas oo ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana Maxkamadda ay ku xukunta Shan sano oo xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xukun sane Xasan Cali Gaas Cali uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo kamid ah kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dilal geystay.