Maxkamadda ICJ Oo Diiday Codsigii Kenya Iyo Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay

28

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay go’aan Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ka gaartay Dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mahdi Guuleed oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda ICJ shalay go’aan kama dambeys ah ku gaartay in waqtigii horey u balamisay in la dhageysto kiiska badda la dhageysan doono, isla markaana aanu jirin doonin dib u dhigis kale.

Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in Maxkamadda diiday Codsigii Kenya u gudbisay ee ahaa in markii afaarad dib loo dhigo dhageysiga Dacwada badda, hayeeshee Maxkamadda ay sheegtay in aan la aqbali doonin Codsiga Kenya.