Maxkamadda Puntland oo xukun dil ku fulisay nin dilay hooyadiis

6

Maxkamada sare ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo horey hooyaddiis u dilay.

Xeer ilaalinta Maxkamada Puntland  ayaa ku eedeysay in uu  3 bil ka hor Hooyadii oo lagu magacaabi jiray Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nuugaal ee maamulkaasi Puntland.

Sidoo kale Gudoonka Maxkamada Sare ee Puntland ayaa sheegay in ay heleen cadeymo rasmi ah oo ku saabsan dilka uu hooyaddiisa u geystay ninkaan oo caafimaadqaba.

Manta ayaa maxkmada waxa ay ku xukuntay faarax Cabdi caagane  oo ku edeysan in uu dilay Hooyadiis

Falkaan ayaa waxa uu noqday mid aragagax ka dhaliyay deeganada Maamulkaasi