Maydka gabar la gowracay oo laga helay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

191

Wararka laga helaayo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya , ayaa sheegaya in la helay maydka gabar la waysanaa muddo laba todobaad ah.

Maydka gabadhaan yar ayaa waxaa laga helay deegaanka Cayn oo qiyaastii 15KM u jirta Deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Isla Gobolka Galgaduud.

Sida ay ku warameen ehelada Gabadha yar dad dhagax qodaayay ayaa la sheegay inay wax u soo ureen, kadibna markii dadkaasi ay u dhaqaaqeen meesha ay wax uga soo ureen ay arkeen maydka gabar yar oo meel geedo lagu tuuray.

Gabadha yar ee la gowracay ayaa waxaa lagu magacaabaa Caasho Maxamed Shanle, waxaana falka dilkeeda looga shakisan yahay Habaryarteed oo ay la noolayd dhawr marna u kaxeysay deegaanka dhacdada ka dhacday meel meel u dhaw.

Allaha u naxariisto gabadha yar ee maydkeeda isaga oo gowracan la helay waxa ay jirtay 11 sano illaa haddana lama yaqaan cida sida rasmiga uga dambeysay gowricitaanka maydkaasi.