Maydka marxuum Cali Khaliif oo Baaritaan labaad la marsiiyay Maxa kasoo baxday Natiijo ah ?

27

Sida ay warbaahinta u Xaqiijiyeen ehelada Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisulwsaarihii Hore ee soomaaliya baaritaankii labaad ayaa  lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin waxaa  la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay.

Marwo Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha SSC, ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay horey u dalbadeen in baaritaan labaad la marsiiyo.

Eheleka iyo Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale.

Marxuumka Cali Khaliif Galeyr  ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso.

Ra;iisulwsaarihii hore ee DKG aheyd Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay.