Meydadka Dad La Dilay Oo Saakay Lagu Arkay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

14

Waxaa saakay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir lagu arkay Meydadka saddex qof oo halkaas lasoo dhigay, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad dul-tegay Meydadka saddexda qof ayaa waxaa ay ku sheegeen inay ahaayeen Haween, isla markaana jirkooda ay ka muuqdeen rasaas oo loo maleynayo in loo adeegsaday dilkooda