Meydka Ra’isulwasaarihii Hore oo lagu Wado in lagu Aaso Hargeysa

19

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Hargeysa lagu Aaso Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib, oo shalay ku geeriyooday halkaas.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guddi u saartay Aaska meydka Marxuum Cumar Carte oo bilihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Hargeysa, balse ugu dambeyn geeriyooday.

Meydka Marxuum Cumar carte ayaa waxaa lagu wadaa in lagu Aaso Qabuuraha Baqiic ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulkaas.

Sidoo kale Aaska meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax kala duwan oo katageysa Magaalooyin kamid ah Gobolada dalka iyo dibadda.