Mid Kamid Ah Maamul Goboleedyada Oo Gaadiid Ciidan Lagu Wareejiyay

24

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalda Jowhar.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhageystay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka Warfaafinta, iyo Madaxtooyada

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa golaha la wadaagay in Hirshabeelle ay soo gaareen 10 gaadiid oo qeyb ka noqonaya dib u dhiska balaaran ee ku socda ciidanka Booliska Hirshabeelle sidoo kale Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyay howlgalo qorsheysan oo Alshabab looga saaray deegano badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Madaxweynaha iyo golaha la wadaagay inuu soo labakacleeyay Xanuunka Cudurka COVID-19 Wasaarad ahaana ay u diyaar garoobayeen.

adceliyay Xubnaha Golaha waxa uuna kula balamay inay sii dardar galiyaan howlaha shaqo ee ay umadda iyo u hayaan.