Midowga Afrika oo amarro dul dhigay ciidamada AMISOM

96

Midowga Afrika  ayaa ciidamada  AMISOM  ku amray inay dhexdhexaad ka noqdaan xiisadda dagaal ee u dhaxeysa dowladda iyo musharixiinta mucaaradka, isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay si in ay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay fareen in ciidamada AMISOM ku ekaadaan waajibaadkooda ee la siiyay sida ilaalinta, hantida AMISOM, Goobaha ay ilaaliyaan iyo madaxtooyadda Soomaaliya. Haddii awood looga maarmi waayana ay eegaan howsha macquulnamadeeda