Midowga Murashaxiinta Oo War Kasoo Saaray Guddiyadii Ay Magacaabeen Jubbaland Iyo Puntland

46

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa war kasoo saaray Guddiyadii xalay ay ku dhawaaqeen maamulada Jubbaland iyo Puntland.

War-saxafadeed ay soo saareen Golohu ayay ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan guddiga ay magacaabeen labada maamul, waxaana sidoo kale ay soo dhaweeyeen wada hadalka ay ku baaqeen, iyadoo labada maamul ay dalbadeen shir deg deg ah oo la isugu yimaado, waxaa Golaha Midowga Murashaxiintu ay sheegen in ay tahay arrin wanaagsan loona baahnaa in mar hore lagu dhaqaaqo.