Midowga Musharaxiinta Oo Ku Dhawaaqay Banaanbaxyo Ka Dhacaya Muqdisho

29

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa oo lagu heshiin waayay.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhammaaday waqtigiisa, isla markaana uu kursiga 6 maalmood ugu fadhiyo si sharci darro.