Midowga Musharaxiinta Oo Shaaciyay Inay Joogteyn Doonaan Banaanbaxyada

95

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ku qaaday xubno ka tirsan Musharaxiinta, kuna hor istaagtay banaanbax nabadeed oo ka dhici lahaa Muqdisho.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey Musharaxiinta ku eedeeyeen falalkii ka dhacay Caasimadda, iyagoona sheegay in dembi fool xun tahay in Farmaajo isticmaalo Ciidan isaga ka amar qaata, kuna tilmaamay inuu yahay dambiile Qaran.

Musharaxiinta oo Bayaan ku qurnaa Luuqad adeg soo saaray ayaa sheegay inay u cadaatay in Farmaajo uusan nabad iyo xasilooni ka rabin dalka, damacna ka aheyn inuu galo doorasho heshiis lagu wada yahay.

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay horay u aaminsanaayeen haddana u cadaatay in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo” ayaa lagu yiri Qoraalka.