Midowga Musharaxiinta Oo Shir Deg-Deg Ah Uga Socda Magaalada Muqdisho

22

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu Shir Deg-deg ah uga socdaa hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka u socda Musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, doorashada iyo hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa in wixii hadda kadib la guda geli doona hirgelinta doorashooyinka.