Tuesday, November 30, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Midowga Musharixiinta oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya

Midowga Musharixiinta oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya

87

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad waxaa ay uga horyimaadeen Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku joojisay in marka laga reebo Madaxda Dowladda Soomaaliya aysan hub la geli karin Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo u hadlayay Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana Madaxda aan laga yeeleyn in Garoonka ay iyaga hubka la galaan, Musharixiintana ay u diidaan.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo la hadlay Voa-da waxaa uu sheegay in Midowga Musharixiinta ay u baahan yihiin xaquuqda uu helo mid lamid ah Madaxweyne Farmaajo oo markale doonaya in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“ In anaga nala yiraahdo garoonka hubka lama galeeysaan, Madaxda sarena waa ay isku aamini waayeen Amniga Garoonka oo waa ay la galayaan taasi maahan wax macquul ah oo aan aqbaleyno, hadii ay amniga Garoonka isku aamini waayeen anaga miyey na gelinayaan meel Qatar ah ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Sare ee dowladda in Go’ankaas uusan aheyn mid suurtagal ah loogana baahan yahay inay ka laabtaan si dhamaan musharixiinta Madaxweynaha ugu sinaadaan inay hubka la galaan Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.