Miisaaniyada Dowlada oo la meelmariyay .

15

Kulankii todobaadlaha ee golaha wasiiradda ayaa waxaa lagu meelmariyay miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2021.

Golaha ayaa sheegay in Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ay dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Sidoo kale Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.
1. Caafimaadka
2. Waxbarashada
3. Ka hortagga fatahaadaha
4. Cadaaladda iyo garsoorka
5. Dib u dhiska waddooyinka
6. Dastuurka

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

Mudada yar ee u harsan golaha cusub ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay diyaariyaan doorasho ku dhacda waqtigii lagu heshiiyay.