Munaasabada Faraxalka Aduunka oo lagu qabtay Degmada Afgooye.

49

Maanta waxa ay ku beegneyd maalinta faraxalka aduunka waxana la qabtay sanad kasta maanta oo kale munaasabadu lagu maamuusaayo.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu qabtay munaasabada maalinta faraxalka aduunka.

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qabisay Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somalia waxaa ka soo qeyb galay, Qaar ka mid ah mas’uuliyiin ka socday Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha iyo hey’adaha ka shaqeeyo biyaha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Madaxdii ka hadashay goobta ayaa waxaa ay ka hadleyn muhiimada ay leedahay in Faraha la meerto ama la dhaqdo si looga hortago cudurada sababa Nadaafad darrada.
Bulshada ayaa lagu baraarujiyay in ay ka qeyb qaatan ololaha looga hortago nadaafad darada si bulshada ay ugu baraarugaan daryeelka caafimaadka jirka .