Munaasabadda Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka KG oo si toos ah uga socoto Beydhabo

44

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka Socota  munaasabad lagu furayo kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan xaalada dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta furo kalfadiga labaad ee Golaha wakiilada KGS, waxaana la filayaa in uu madaxweynaha uu khudbadiisa kaga hadlo xaalada guud ee deenada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadaani ayaa waxa Goobjoog ka ah Gudoomiyhii hore ee barlamaanka Soomaaliay Prof Jawaari