Muqdisho:- Xarumo kala duwan oo maanta xariga laga jaray

200

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Xariga ka Jaray dhawr Mashaariic uu Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xarumaha Xariga laga jaray waxaa ka mid ah Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Boostadaiyo isgaarsiinta Degmooyinka Xamar Jajab, Yaaqshiid iyo wadooyin ay dowladuu dib u dhis ku sameysay kuwaasi oo ay ka ah dhowr mashaariic oo ay dowladda Somaliya ugu talagashay xuska maalmaha xorriyadda.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ku wehlinayay Guddiga todobaadka Xorriyadda oo ay ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada, Cumar Maxamed Maxamed Cumar (Filish) iyo Guddomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda Somaliya ayaa sanadkaan dabaal-degga todobaadka xorriyadda u bedeshay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka iyo kuwa la dhisay, sida xarumihii lagu dhisay Barnaamijka is xilqaan iyo qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.