Monday, April 19, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Mursal oo 15 Xildhibaan ka joojiyay kulamada Golaha Shacabka (Magacyada)

Mursal oo 15 Xildhibaan ka joojiyay kulamada Golaha Shacabka (Magacyada)

13

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 15 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka ka joojiyay kulamada Golaha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa waxaa 15-ka Xildhibaan lagu eedeeyay inay is hor istaag iyo fowdo ku sameeyeen kulankii shalay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu kala tegay, kadib markii uu buuq hareeyay.

Xildhibaanadan ayaa laga joojiyay inay ka qeyb galaan 5 kulan oo uu yeelanayo Golaha Shacabka oo kulanka ugu soo horreeya uu dhici doono berri sida uu qorshahu yahay, waxaana Xildhibaanadaas kamid ah Mahad Maxamed Salaad iyo Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare.

Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shalay diiday inuu furmo kulanka Golaha, isla markaana is hor istaag ku sameeyay Guddoomiye Maxamed Mursal oo damcay inuu kulanka furo, sidaasina lagu kala tegay.