Musaanabad lagu dhaariyay Guddoonka Maxkamadaha & Xeer ilaalinta oo ka dhacay Dhusamareeb.

41

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada & kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweynaha Galmudug ayaa  maanta la dhaariyay

Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa  waxaa ka qeybgalay, Madaxweynaha Madaxweyne Kuxigeenka, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka,  Gudoomiyaha Maxakamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno katirsan labadda gole iyo dhammaan howl-wadeennada bahda caddaaladda maamulka Galmudug.

Ugu horeyn  waxa Munaasabadaasi Ka hadlay  Madaxweynaha  Galmuudg  kaasi ooku  bogaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, Waxanaa uu  faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.

Xubnaha maanta la dhaariyay ayaa waxa looga fadhiyaa in ay ka shaqeeyaan arrimaah cadaalada deeganada Maamulkaasi Galmudug.