Musharax Daahir Geelle oo ka hadlay arin Xasaasi ah

27

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu ka yeelayo hidii uu ku guuleysto Madaxweynenimada Soomaaliya Ciidamada ay dowladda Soomaaliya geeysay Gobolka Gedo.

Musharaxa oo Barnaamij uga qeyb-galay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Ciidamadaas aan la soo celin doonin, hayeeshee uu la imaan doono siyaasad sahli karta inay hal meel ku wada qadeeyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland

Waxaa uu sheegay in sababta Ciidamada Gobolka Gedo loo geeyay ay tahay Colaad qabiil, balse aysan jirin dagaal ka dhaxeeya Soomaaliya & Kenya, balse isaga uu sameeyn doono qorsho sahli kara in heshiis lgu wada joogo Gobolka Gedo.