Musharaxiinta Iyo Beesha Caalamka Oo Goor Dhow Kulan Xasaasi Yeelanaya

38

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa goordhow kulan qadka Internet-ka ee fogaan aragga ee ZOOM-ka kulan yeelan doona Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+.

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa oo weli la isku mari la’yahay iyo arrimo kale.