Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Jawaab Ka Bixiyay Amarkii Dowladda

65

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay baaanbaxii ay ku dhawaaqeen inuu Maalinta Jimcada soo socota ka dhici doona Magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Daljirka daah-soon.

Afhayeenka Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in banaanbaxa ay ku baaqeen la qabanayo uu sidiisii yahay, isla markaana uu 26-ka bishaan ka dhici doono Daljirka daahsoon, uuna sharci yahay.

Daahir Geelle ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si sharci darro todobaadkii hore ugu hor istaagtay banaanbax nabadeed oo la qaban lahaa, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay Isbaaro loo dhigtay Musharaxiinta Madaxweynaha.