Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Kulan Albaabada U Xiran Yihiin Yeeshay

69

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay Arrimo kala duwan oo qorsheysan.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, caqabadaha weli ku hor gudban doorashada ka dhaceysa Soomaaliya iyo kulamadii ugu dambeeyay eek a dhacay Caasimadda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Musharaxiinta ay mid mid isku xog-wareysteen, isla markaana falanqeyn dheer ka yeeshay khilaafka ka taagan qabasoomida doorashada oo ay ku murasan yihiin Musharaxiinta, maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo Dowladda.