Musharaxiinta Madaxweyne oo war ka soo Saaray Banaanbixii Maanta.

29

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul Cambaareeyay rasaastii Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fureen dad banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladd ay rasaata si arxan darrida ah ugu fureen shacabkii Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey Magaalada Muqdisho, loona horjeeday Farmaajo iyo dowladda.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in dadkii dhigaayay banaanbaxa uu u adeegsaday ciidanka Gorgor iyo Haramcad oo ay dawladda Turkiga tababartay, isla markaana rasaasatii ay fureen ku dhaawacantay afar ruux.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbixii Maanta loo xiray laba qof, welina Taliska Booliska Gobolka Banaadir ay ku raad-joogaan dadkii ka qeyb galay banaanbaxa, iyagoona dalbaday in lasii daayo dadka la xiray, lana joojiyo baacsiga lagu haayo dadka

Halkaan ka Akhriso Warqada