Musharaxiinta Oo Shaaciyay In Farmaajo Aysan U Aqoonsaneyn Madaxweyne

28

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay in wixii ka dambeeya 8 bishaan February 2021 aysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, kadib markii xalay uu ku ekaa muddo xileedkiisa Dastuuriga ahaa ee afarta sanno.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, sidoo kalena uu fashilmay hirgelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii September 2020.

“Laga bilaabo 8 February 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Musharaxiinta ayaa sheegay inay kasoo horjeedan muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda dowladda, caburin, gacan ka hadal iyo dib u dhac kusii yimaada doorashada dhaceysa.