Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo ka soo horjeestay Gudiga Doorashada

152

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha dowladda oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

Musharaxiinta Qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA MUSHARAXIINTA