Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta khudbadahooda jeedinaya

38

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa la filayaa hadii aan isbedel kale imaan in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.

Sida ku cad Jadwalka ay dhawan Soo Bandhigeen guddiga doorashada Guddoonka baarlamaanka Hir-Shabeelle isla Maanta ayaa la soo geba-gabeyn doonaa khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Ilaa 6 musharax ayaa isku soo taagtay qabashada xilka guddoomiyaha, ku–xigeenkiisa 1aad iyo labaad ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa isku soo taagay labada musharax ee kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, halka ku-xigeenka koowaad ay sharaxan yihiin labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ayaa waxaa ku tartami doona Xildhibaannada kala ah Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay iyo Mahad Xassan Cismaan.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji oo u sharaxan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle  ayaa  ah shaqsiga lagu badallay Aadan Axmed Xeefoow maalintii ugu danbeysay ee dhaarta xildhibaannada waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu yahay shaqsiga lagu waddo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Saakay ayaa lagu balamay in hoolka shirarka ee Maamulka Hirshabelle in lagu qabto Munaasabadda Khudbad jeedinta Musharxiinta Xilka gudoonka Barlamanka Maamulkaasi.