Musharixiinta Oo War Kasoo Saaray Dagaalkii Caawa, Caddeeyana Mowqifkooda Bannaanbaxa Berri

23

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalkii Caawa iyo sidoo kale mowqifkooda ku aaddan bannaanbaxii ay horay u qorsheeyeen ee loo ballansanaa in uu dhaco Maalinimada berry ah.

Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladdu ay kusoo qaadday weerar gardarro ah oo ah daandaansi cad, kaasi oo lagu cabburinayo Madax-bannaanida, waxaana ay tilmaameen in dagaalka Caawa lagusoo qaaday uu ahaa mid nasiib darro ah.