Muuse Biixi oo ka hadlay dilkii Jeneraal Galaal

28

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey 27 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka militeriga Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay ka xunyihiin dadka lagu laynayo magaalada Muqdisho, isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii Jeneraal Galaal iyo dadkii lala dilay.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa bulshada Soomaaliyeed, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyey Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, isagoo tilmaamay Jananku ahaa oday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan arrimaha ciidanka.

Jeneraal Galaal oo aan anigu shakhsiyan aad iyo aad u aqaanay oo oday Soomaaliyeed ahaa oo garanaya qadiyada Somaliland waxay ku fadhido xog-ogaalna u ahaa, aad iyo aad ayaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskiisii, dadkiisii iyo intii kale ee taqaanaba,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya ee dhiigoodu daadanayo ee muslimka ah, ee aan mid mid u garanayno, kuwaas oo ay u dambeeyeen kuwii lagu laayey Hotelka Afriik.”