Muwaadin Somali ah oo si xun loogu dilay Dalka South Africa.

34

Wararka naga Soo garaya dalka Koonfur Afrika ayaa Sheegaya in Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa tilmamaay in Burcada ay weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku dilay laba ruux oo Soomaali ah.

Dhinaca kale Ragga hubeysnaa ayaa horey dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Cosmos Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Dad goobjogayaal ah oo si wanagsan u yaqaanay labada Marxuum ee la dilay ayaa magacyadooda ku soo gaabiyay  Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyagoona ahaa Ganacsato hal dukaan ka wada shaqeynayay, waxaana goobta Meydadka ka qaaday Dad kale oo Soomaali ah oo u soo gurmaday .

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof oo Soomaali ah

Ilaa iyo hadda ma  jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo.

Maalmaahan ayaa waxa soo badanayo dilalka loo geesanayo Ganacsatada Soomaaliyed ee Ku nool Dalkaasi