Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

22

Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Jaceelow, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxo burcadda ah ay marxuumka ku dhex-dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Port-Elizabeth, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi.