Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Mar Kale Lagu Dhex Dilay Goobtooda Ganacsi

30

Rag hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenkii xalay aheyd Magaalada Port Elizabeth ee dalkaas si arxan darro ah ugu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo Ganacsi ku lahaa halkaas.

Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdixakiin Jeelle iyo Mikaa’iil Bitoow, waxaana falkaas u geystay burcad hubeysan oo gudaha ugu galay goob ganacsi ah oo ay ku sugnaayeen, iyagoo u dhintay rasaas looga dhuftay jirka sare.

Dad Soomaali ah oo xiligii uu weerarka ka dhacayay ku sugnaa meel ku dhow goobta ayaa falka kadib tegay halkaas, isla markaana qaaday Meydadka Muwaadiniinta la dilay, iyadoona goobta ay ka baxsadeen burcadii hubeysneyd