Muxu yahay Ujeedka Safarka Sheikh Shariif uu maanta ku tegayo Jowhar.

47

Wararka aan ka heleyno caasimada Hirshabelle ee Jowhar ayaa waxa ay tilmaamayaan in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo maanta ku wajahanyihiin Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socoto qabanqaabada lagu soo dhaweynaayo wafdiga uu hogaaminaayo Madaxweyne Shariif

Sidoo kale Jowhar ayaa waxa ka socda   howlaha lagu soo xulayo Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle, dhowaanna ay ka dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Wararka hoose ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu qorshenaayo in uu sameyn ku yeesho soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Shariifka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ka dib markii Safar Muddo qaatay uu ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo imaaraadka Carabta.