Muxu yahay waxa uu qoonsaday Gudoomiyaha Aqalka sarre ?

47

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii sanadkii 2016 kii.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir aysan ka qeyb-gelin siyaasiyiinta matalaya gobolada Waqooyi, taas oo aheyd inay matalaad rasmi ah ku yeeshaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in heshiiskii doorashada uu kamid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobolada Waqooyi ay Xukuumadda Magacaawdo, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hanaanka doorasho madax bannaan, isla markaana  iyaga magacaabi doonaan Guddiga maamulaya doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Gudoomiye cabdi xaashi mar wax laga weydiiyay sida ay wax u raban aya awaxa uu sheegay in xildhibanadda somalilnad aysan la heyn maamul u soo magacabay iayagna ay u joogaan midnimo ilsamrakan awaxa uu shegay in ay u baahnyihin in loo madax bananeeyo in ay iyagu is maamulan oo ay magacowdaan gduiag doorashada

Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee  Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya in aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo guddiga maamulaya doorashooyinka wakiilada gobolada waqooyi u matalaya labada aqal ee barlamaanka.

Shalay ayey aheyd markii uu Warsaxaafadeed soo saaray gudoomiyaha, ayuu ku sheegay in xukuumada Soomaaliya isku dayayso in ay magacaabayso guddigaan iyadoo la tashanaysa siyaasiyiinta gobolada waqooyi, laakiin wuxuu caddeeyay haddii tallaabadaas la qaado in ay dhaawac ku tahay hannaanka madax banaanida doorashada.