Muxuu CC Shakuur kala hadlay ergeyga QM ee Sooomaaliya?

47

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan hehsiiska doorashada oo ay dhawaan gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixyey kulankaasi wuxuuna yiri “Waxaan galabta kulan wada qaadanay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan. Waxaan ka wada hadalnay aragtideena ku aadan heshiiskii laga gaaray Doorashooyinka iyo kaalinta ay QM ka qaadan karto fulinta heshiiska.”

Muddooyinkii la soo dhaafay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa waday kulamo wada-tashi ah, isaga oo dhowaan madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul wasaare Rooble.