Muxuu ka yiri Turkiga Go’aankii dib loogu laabtay heshiiskii 17-kii September?

12

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Turkiga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaari doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya, isla markaana la bilabi doono  wadahadalada Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa shaacisay inay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay inay rajo ka qabaan in la xalin doono caqabadaha ka taagan siyaasadda dalka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da Maajo) qaatay, kaas oo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabida wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada, iyadoo laga gudbayo khilaafaadka.”

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa laalay muddo kordhintii ay sameeyeen, iyagoona dib u soo celiyay heshiiskii 17-kii September, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday tallaabadaas.