Muxuu Khayre ka yiri ansixinta heshiiska doorashooyinka Soomaaliya?

58

Xasan Cali Kheyre Ra’iiusul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah musharrax madaxweyne ayaa soo dhoweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen heshiiska doorashada, wuxuuna soo jeediyey dalab la xiriira doorashada dalka ka dhaceysa.

Kheyre oo qoraal kooban soo dhigay labadiisa cinwaan ee facebook iyo twitter ayaa yiri “Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada.”

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor iyo xalaal ah.”

Dhowaan ayuu Kheyre shaaca ka qaaday inuu yahay musharax madaxweyne oo u taagan doorashada soo socota ee 2020/2021-ka