Muxuu Lafta Gareen u ballan qaaday Xildhibaan Maxamed Mursal Booro?

60

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdiacasis Lafta-Green oo ka hadlay xaflad ay xalay isugu yimaadeen madaxda iyo xlidhibaannada koonfur galbeed ayaa bixiyey balanqaad ku aadan kursi ka tirsan golaha shacabka in xildhibaanka hadda ku fadhiyo uu sii heysan doono.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow u balanqaaday inuu soo noqon doono iyada oo abaal looga dhigayo dhaawac ka soo gaaray qarax ay la beegsadeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa September 15, 2018-kii, qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, oo ay sheegteen Mas’uuliyaddiisa ku dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

Hadalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu isna balanqaaday kursi kale uu sheegay inuu kusoo bixi doono Mahad Cawad.