Muxuu RW Rooble Kala Hadlay Haweenka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka?

75

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarinta bulshada, gaar ahaan xiliyadii adkaa iyo hadda oo dalku dib uga soo kabanayo.