Muxuu Sheekh Shariif ka yiri arrimaha doorashooyinka ee 2020/21?

39

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliay , gaar ahaan arrimaha doorashada bilaanabeysa dhammaadka sanadkan 2020 iyo kan xiga ee 2021-ka.

Madaxweyne Shariif ayaa marka hore dowladda Soomaaliya uga digay inay qaado tallaabo fashilineysa heshiiskii doorashooyinka looga gaaray magaalada Muqdisho oo ay Horey u wada Gaareen Madxada Dowlada federalka iyo kuwa Maamul Goboledyadda dalka .

Dhinaca kale Shariif ayaa tilmaamay  in loo baahan yahay in doorashadu aysan abuurin xiisad iyo fowdo siyaasadeed, balse ay muhiim tahay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale ugu baaqay ciidamada ammaanka in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda, wuxuuna tilmaamay in laga rabo kaliya inay sugaan amniga dalka iyo tan doorashooyinka .