Muxuu uga hadlay Axmed Madoobe khudbaddii uu ka jeediyey Aqalka Sare?

16

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo hadal qaaday khilaafkii dheeraa ee u dhaxeeyay isaga iyo DFS ee ka dhashay doorashadii Jubbaland ka dhacday sanad ka hor.

Madaxdweumaha ayaa marka hore sheegay in magaalada Muqdisho ay ugu dambeysay sanadkii hore, maantana uu yimid sanad kaddib dagaal dheer iyo dhufeys uu ku jiray.

“Muqdisho waxaa iigu dambeysay doorashadii ka hor bishi ka dambeysay dhufeys baan ku jiray oo waxaa is lahaa bal dowladda iyo cidii laguu soo diro iska celi cidii ku timaada adiguna is giiji nimankaas yac iska dhahay”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in xal mideysan laga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is-mari-waa uu ka taagan yahay shirka wada-tashiga Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda, Jubbaland iyo Puntland.