Muxuu wasiir Goodax Barre ka yiri kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed?

53

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo kamid ahayd ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare.

Wasiir Goodax Barre ayaa fal arxan darro ku tilmaamay kufsigii iyi dilkii loo geystay marxuumad Xamdi oo 19 jir aheyd.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.,” ayuu yidhi wasiir goodax.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay gudaha Soomaaliya.