Muxuu yahay Shirka uu Ra’iisul Wasaare Rooble Ka Daah-Furay Magaalada Muqdisho ?

36

Raysul-Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan Dib u eegista, Qiimeynta  iyo Dib u habeynta Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri” Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hirgaliso siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah dib u habeynta qaab-dhismeedka hay’adaha shaqaalaha rayidka ah iyo hannaanka maaliyadda”