MW Farmaajo Oo Berri Hortagi Doona Xildhibaanada Golaha Shacabka

28

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo ayaa maalinimada berri ah hortagi doona Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhamaman Xildhibaanada waxaa uu ku war galiyay in uu jiro kulan gaar ah, waxaana Xildhibaanada hortagaya Madaxweyne farmaajo, iyadoo Madaxweynuhu uu ka  Warbixin doona Xaalada Guud ee Dalka  iyo Doorashooyinka Qaranka.

Beri oo Sabti ah oo ay Tariikhdu ku beegan tahay 6 February ayuu kulanku dhici doonaa waxaana si gaar ah u codsaday Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Waxaana ajandaha kulanka uu yahay Warbixin ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka  iyo Doorashooyinka Qaranka oo uu Madaxweynuhu la hor tagi doono Xildhibaanada Golaha shacabka.