Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho

17

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho magaalada Muqdsiho loogu geystay mid ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed, kaas oo weyn looga yaqaanay Xamar.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiry, Sheekh Cali Maxamed Cismaan waxaana lagu dilay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay goobta isaga baxsadeen kooxdii ka dambeeysay toogashadaasi.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan ammaanka, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laga bixiyey dilka loo geystay Nabadoon Sheekh Cali.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayey falal ammaanka darri oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.