Najah oo war xasaasi ah ka soo saaray sheegashada Basra ee Sh/ Dhexe

104

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa xasuusiyey dadka Soomaaliyeed in deegaanka Basra uu ka tirsan yahay gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahiyo in Basra ay hoostagto gobolka Shabeelaha Dhexe.

Najah ayaa sheegay in uu jiro isku dhax yaac dhanka sohdimaha ah ee gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir, islamarkaana ay horey u dhacday sheegashada deegaano ka tirsan gobolka hodanka ah ee Shabeelaha Hoose.

“Waxaan caddeyneynaa in Basra ay ka tirsan tahay Shabellaha hoose.” ayuu yiri Madaale Najah.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoshada arrintan oo uu tilmaamay inay keeni karto caqabado hor leh iyo isku dhacyo dhanka maamullada ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

Isku dhex yaac ka jira Sohdimaha uu Gobolka Shabellaha hoose la leeyahay Shabellaha dhexe iyo Mogdisho iyo sheegashadda Deegaano ka tirsan Gobolka oo horay u dhacday waxaan caddeyneynaa in Basra ay ka tirsan tahay Shabellaha hoose.

Eeg MAP-Satellite images waxa uu muujinayaa in Basra ay hoos tagto Degmada Afgoooye ee Gobolka Shabellaha hoose. http://www.maplandia.com/somalia/sh-hoose/afgooye-afgoi/basra/

original name: Basra
geographical location: Afgooye (Afgoi), Sh. Hoose, Somalia, Africa
geographical coordinates: 2° 18′ 0″ North, 45° 16′ 0″ East