Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo maanta la shaacinayo

23

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijiyada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkan 2020-ka.

Imtixaanka ayaa waxaa sanadkan ay ka qaybgalay arday ka badan illaa 34-kun oo arday oo kala jooga Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Sanadkan Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare ayaa ka duwanaa sanadihii hore, wuxuuna ku soo aaday, xilli dalka uu ka jiray cudurka faafa ee Coronavirus.